(DAAWO SAWIRADA IYO WARBIXIN) DEGMADA QANDALA OO AH MAGAALO QADIIM AH

Dadkii reer qandala kuma qaadan muddo fara badan iney ogaadaan soo degiistii diinta islaamka iyo soo bixintii nabi maxamed{nnkh} oo safaradii carbeed iyo socotadoodi dhulka mari jirey ayaa soo gaarsiiyey diinta islaamka.barashada diintu waxay ka mid noqotay hantidii lays dhaafsanayey iyadoo rag baddan oo xilligaas ah ay usoo ambabaxeen xadramout oo yamana iyo dhulkii xijaas la oran jiray si ay cilmiga uga raadsadaan ,dhankoodana waxaa usoo tallaabay cullimo carbeed oo dugsiyo quraan ka furay halkaas oo uu ka baxay magaca magaalada oo ka soo jeeda erey carrabi ah oo ah {QANDIIL}oo macnihiisu ahay nuur , iftiinkii ama shumac inkastoo hindidii markaas iman jirtay iyo dadkii degaankaba carrabkoodu u batay ereyga qandal oo ahaa geed doonyaha laga sameyn oo hindiya ka baxa.

Isbeddelkii taariikhda iyo mustacmaradii reer yurub wey soo degeen magaalada waxaana ka marag kacaya taas dhismayaal ay ka dhiseen degmada si ay halkaas uga fuliyaan mabaa”diidoooda una bedelaan maskaxdii dadka.
Dhaqdhaqaaqii ,dhiidhigii iyo halgankii xornimada kama aysan harin degmadu oo waxaa ka soo baxay halgamaagii weynaa ee CALI FAAHIYE GEEDI{calan gube} alle ha u naxariistee iyo in badan oo la socotay.

Markii intaas aan ku dhaafo taariikhda degmada oo kooban haddaba qandala waa degmo sidee ah.

Waxay dhacdaa ama ku taal bariga magaalada marsada ah ee boosaaso waxay saaran tahay xeebta badda carbeed ama {baxrul carab} waxay soohdin dhow la leedahay waddama ku yaal gacanka ama khaliijka carabta taaso ay mar naaneys ahaan u heshay in loogu yeero gacanka hodonka ah{allaa hodan ahe}.

Dhanka berriga waxaa ku xeeran buuro dhaadheer oo ay ishu qabaneyso doog iyo cagaarna alle ka beeray haba ugu magac dheeraato buurta xaysimo dhurowe.. dusheedana ay ku yaalan dooxooyin qurux badan oo dalxiis iyo degaanba ku habboon sida dooxooyinka dhaadaar iyo dhasaan.

Xagga banaanka laga bilaabo karimo oo magaalada u jirta 50km ilaa laga gaarayo xamurre oo ah soohdinta kala qaybisa degmooyinka qandalaiyo iskushuban waxaa ah balliyo ay dhirtu fooda is dartay xilliyada barwaaqdana aad ku dhex habaabeyso sidda balliyada unuun,beeliwacato,aroorgob ballidhidin iyo kuwa kaloo badan.

Intaas waxaa dheer degmada waxaa laga helaa dhul badan oo ay ka soo burqanayaan ilo biyo ah oo macaan.
Dhaqaalaha iyo wax soo saarka degmadu gaabis kama aha oo waxaa ku taal wershadii kalluunka qasacadeyn jirtay oo hadda dayactir la”aan la il daran dad ka shaqeysiiyana weydey.

Sidoo kale meydiga iyo faleenku waa halbowlaha wax soo saarka degmada.

Dhaqashada xoolaha ee dadka degaanku intifaacsi iib iyo cad iyo caanaba way u deeqaan.

Dhulkeedu wuu dihin yahay degmada macdanta daboolan oo dhowr nooc ah,dahabka iyo batroolba iney ku jiraan waa la sheegay baaris ka dib.

Cimmiladeedu waa mid nafta raaxo gelineysa aadna u macaan oo dhexdhexaada marka laga reebo in yar oo bilaha juulay iyo agoosto ah oo heer kulku yare sare kaco wallow uusan gaarin sida meelaha qaarkood ee dunida ka mid ah, run ahaan lama dareemi lahayn hadii qaboojiyeyaal jiri lahaayeen waayo xilligaas kuleylka lagu sheego haddaad u baxdo meel yare sarreysa ama aad tagto badda xaaxigeeda dhaxan ayaadba la qarqareysaa.

 

DEGMADA QANDALA AYAA WAXAA BOOQOSHO KU TAGAY WAFDI BALARAN  LABO ASBUUC KA HOR WAFDIGAAN AYA WAXAA KA MID AHAA  

Gudoomiyaha Degmada Carmo Engineer Ibrahim Shire Maxamed
Gudoomiyaha hay’adda Badbaado Dr Yusuf Galan Maxamuud
Xoghaynta ururka Badbaado Barkhad Siciid Beeldaaje Cabdulahi

Waxaa soo dhoweyeyy Wafdigaan Maamulka degmada Qandala, golaha deegaanka ee degmada iyo shacabka ayaa siweyn wafdiga ugu soo dhoweeyey magaalada Qandala.

Wafdiga ayaa kormeeray burburka soo gaaray wadada Cawo oo ahayd wadadii degmada loo mari jiray, iminkana dib u hagaajinta lagu bilaabay.

Iyo Mareegaale, Habralaaye, iyo Butiyaalo sadexdaas buundo ama dalcadood ayaa burbur gaarey waxaa jira togag biyo badani mareen oo ciid fara badan keeneen iyo buuro ay meelo kale ka keeneen oo wadaddii lala mari waayey, baabuurtuna way degaysaa” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Carmo Ibraahim Shire mar uu u waramay

Dadaalka wadada lagu hagaajinayo ayaa waxaa iska kaashanaya shacabka magaalada Qandala iyo ganacsatada, dowladda iyo hay’adaha ma jiraan wax gacan ah ay ka gaysanayaan marka laga yimaado barnaamijka cuntdada aduunka QM ee WFP oo raashiin siisay qaar ka mid ah dadka ku howlan hagaajinta wadadaan.

Sida oo kale waxa ay Ka war bixiyeen   Muu Qaalka Guud ee Degmada Qandala

Degmada Qandala ayaa ah meel mudan in dalxiis loo tago marka aad aragto quruxda ka muuqda buuraha ku dhow, waxaa ku yaal xijigii, waxay ku taal xeeb kaluunka noocyadiisu buuxaan, waxaa ku yaal khoori cajiib ah oo doonyuhu gali jireen ilaa 6km beriga aadi karaan ilaa tuulada qadiimiga ah ee butiyaalo oo ah meesha puntland kula baxday magacaas oo ah meel taariikh dheer leh sida la sheego faraaciintii aykusoo booqan jireen boqoradi majeerteen oo halkaas deganaa. Magalada qadano ayaa ah magaalo qadiimi ah waxaana la sheegaa in guryihii ugu horay laga dhisay 277 sano ka hor, daarta ladheho caanood oo caano lagu dhisay ayaa la dhisay in kabadan 300 sano ka hor, daarta cad ayaa ladhisay 1900 sida la sheego oo weli dhisan ahna daar weli casri ah.

Degmada noocaas ah maanta waxay ku jirtaa degmooyinka aan lahayn isgaarsiinta casriga, sababaha ay u tegi wayday lama garanayo, wadooyinka taga qandala dhinaca beriga ah kama xuma kuwa taga degmooyinka ka fog, sida baargaal. Dhinaca boosaso waxay ku jirtaa qiyaastii 75km, waxaana hortaagan dhowr meelod oo ay ka mid yihiin qorayga iyo shibiro oo ay ku yaalaan buuro adag, haddii se la helo qalab casri ah la mari karo.
                                               DAAWO SAWIRADA
    sqandala 12sqandala23sqandala 36sqandala 35sqandala 31sqandala 32sqandala 33sqandala 34sqandala 27sqandala 28sqandala 16sqandala 15sqandala 29sqandala 30sqandala 22sqandala 24sqandala 25sqandala 26sqandala 21sqandala 20sqandala 18sqandala 17sqandala 4sqandala 5sqandala 7sqandala 8sqandala 4 - Copysqandala 3sqandala 2sqandala 1sqandala 9sqandala 10sqandala 11sqanda 19sqandala 4sqandala 5sqandala 7sqandala 8sqandala 4 - Copysqandala 3sqandala 2sqandala 1sqanda 19 - Copysqandala 13sqandala 14sqandala 15sqandala 16
www.allcarmo.com
Xafiiska Guud ee Bosaso
Allcarmo@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. atoore says:

    Waw ! Waa warbixin cajaaib ah oo run I’m very proud of u guys , runti waxaan ku sigtay inaan ooyo markan arkay sawirada quruxda badan ee magaalada qandala ,kismaayo maxa laga doona hadiiba ay qandala saan u nuureyso