SAWIRKA BOSASOPRESS,,garoonka diyaaradaha boosaaso
THE LATEST


Facebook allcarmo Photo of a big bunny rabbit!The Best In the World JAWAABTII CADE MUUSE

Filed Under:  SUUGAANTA

Waraysi Abwaan Saxardiid Maxamad Cilmi Jabiye

5th November 2012   ·   0 Comments

Qaybta Lixaad
Maamulayaasha ardaagan lagu kaydiyo “Suuagaanta Somaliland” oo la yeeshay waraysi ‘khaas ah” Abwaanka caanka ah Mudane Saxardiid Maxamad Cilmi oo ku magacdheer [ Jabiye] bishii oktoobar sanadkii 2000kii magaaladda Hargeysa. Su’aalihii iyo jawaabahoodi sidan ayay u dhaceen:

Suaal : “Music” iyo “musician” maxaa af-somalilga lagu yidhaahdaa?
Saxardiid: qofka wax tuma iyo waxa la tumayo horaan uga faalooday. Barigii af-Somlaiga la qorayay ayay Xasan Maygaag, Muuse Galaal iyo Cumar Usteeliye oo wada socda sua’aashaa i weydiiyeen iyagoo markaa af-Somaliga ururinaya. Waxaan ugu jawaabay maansadan oon ku eraybixinayo kuna fasilayo.

duunyada kaleetiyo haddii geel dar lagu horo
oon loo dunuunicin biyaha wa ku diidaa
ma durduurtee weys dul taaga
durbaan cidiisa ama dananka
ruuxii dareemee kolkaa dakaansan
wey daal tiraanoo waa dux iyo subag

Markaa af-somali wuxuu “music” noqonayaa “danan”
Qofka tumayaana “musician” in la yidhaa “dananshe” ayaa fiican ayaan ku idhi.

Suaal: fanaaniitii hore iyo fanaaniinta imika jooga waa maxay faraqa u dhaxeeyaa?
Saxardiid: Horta, fanaaniitii hore iyo kuwan maanta jooga waqtiga ayaa kala kaxaynaya oo shalay iyo maanta isku mid aha. Dadkii horana kuwii barigii hore tummi jiray ayay jecelyihiin kuwan dambana kuway la jaan-qaadeen ayay la dhacsanyihiin. saban waliba fanaaniintisuu leeyahay. Barigii hore qof walbaaba heestiisa ayuu ku ekaan jiray, imikana waxaad arkaysa qof 30 heesood oonu shaqu ku lahayn qaadaya. Waxay ila tahay haddii fanaaniin badan uu midba mar isla heestii qaado, inay macna guurto oo dhadhankii heesta ka lumo.

Suaal: Aduunyada kaloo dhammi qiimo ayay u yeeshaa fanaaniintooda, maxay dadka reer Somaliland u qiimayn la’yihiin abwaaniintooda iyo fanaaniintooda?
Saxardid: Waa suaal wanaagsan. Horta way qiimeeyaan, umadda Somlaliduna fanka aad ayay u jeceshahay waanay qiimaysaa. Waxa jiri jirtay in qofka is yidhaa si fiican u hadal uu ama ku hadli jiray gabay ama geeraar ama maahmaah iwm. Waxay ila tahay fanaaniinta qaarkood ayaan kor isku dhigin oon is qiimayn.

By

Readers Comments (0)





WELCOME ALLCARMO NEW

The Best In the World Allcarmo Facebook Like Saar
BBC SOmali BBC SUbax BBC DUhur BBC Galab BBC Habeen BBC SOmali VOA SUbax VOA Galabr VOA Habeen1 VOA Habeen2